Haddii aad raadineyso shaqo ama internship, CV-gaaga waa fure muhiim ah oo ku horseedi kara inaad hesho wareysi (interview). Haddaba, sidee loo qoraa CV fiican oo xirfadeysan? Maqaalkan wuxuu kuu sharxayaa tallaabooyinka aad raaci karto si aad u sameyso CV xiiso leh oo soo jiidanaya shaqo-bixiyeyaasha.
Waa Maxay CV?
CV (Curriculum Vitae) waa dukumeenti kooban oo muujinaya:
Waxbarashadaada
Khibraddaada shaqo
Aqoontaada & xirfadahaaga
La xiriirkaaga (contact info)
Keyword: sida loo qoro CV fiican
Maxaa Laga Doonaa CV Fiican?
CV-ga fiican waa in uu:
Yahay mid kooban (1-2 bog)
Fudud yahay in la akhriyo
Muujiyo waxyaabaha ugu muhiimsan
Leeyahay naqshad qurux badan.
Qaab-dhismeedka CV-ga Fiican
- Xogtaada Shakhsiyeed (Personal Information)
Magaca oo buuxa
Email sax ah
Lambarka taleefanka
Ciwaanka (ikhtiyaari)
- Ujeeddada Shaqo (Career Objective)
Tusaale:
“Waxaan ahay arday bartay Computer Science, waxaana ahmiyad siinaa horumarka teknoolajiyada. Ujeeddadeydu waa inaan ka shaqeeyo meel aan ku horumarin karo xirfadaha aan leeyahay.”
- Waxbarashada (Education Background)
Ku qor jaamacadda, dugsiga sare, ama koorsooyin aad qaadatay:
Tusaale: 2022 – Hadda: Jaamacadda XYZ, Bachelor of Computer Science
- Khibradda Shaqo (Work Experience)
Haddii aad ka shaqeysay meel, xitaa haddii ay ahayd internship, ku qor:
Tusaale: 2023 – Internship, XYZ Company, Web Developer
- Xirfadaha (Skills)
Ku qor xirfadaha aad taqaano:
Barnaamijyada sida MS Office, Photoshop, Canva
Luuqadaha sida English, Arabic
Xirfado sida isgaarsiin, hogaamin, xalinta mushkiladaha
- Tixraac (References)
Haddii lagaa codsado, waxaad sheegi kartaa macallin ama qof aad la shaqeysay: Tusaale: Prof. Axmed Maxamed – Tel: +2526XXXXXXX
Keyword: sida loo sameeyo CV af soomaali
Talooyin Dheeraad ah
Ha isticmaalin qalad dhanka higgaadda ama naxwaha ah
Adeegso font nadiif ah sida Arial ama Calibri
Ha buuxinin wax aan muhiim ahayn
Qor CV-gaaga si shaqsiyan u eg, kana fogow copy-paste
Gunaanad
Qorista CV fiican waa tallaabada ugu horreysa ee aad kaga mid noqon karto tartanka shaqo. Haddii aad raacdo habkan, waxaad dhisi kartaa CV xiiso leh oo ka tarjumaya kartidaada. Hadda bilow qorista CV-gaaga oo la wadaag fursad.
halkaan hoose waxaan kusoo dhigayaa sawir warqad CV oo 1 bog ah oo aan ka qoray shaqsi mala awaal ah oo codsanaya shaqo web developer.
